Dhaqaalaha

Dhaqaalaha Waddanka waa in uu Mudo gaaban ku soo kobcaa.

Dhismo Dabiici ah:
Waddanka waxsoosaarkiisa oo ku xirnaan doona Dhismo iyo Dhaqaale kobcin Dabiici ah. Si Muwaadin waliba uga haqab beelo.

Dhaqaalaha iyo Canshuuraha:
Dhaqaale ku salaysan horumarka Qaranka, ahna wax cad oo aan cidina gaar duufsan karin.
Canschuurta waa mid loo wada siman yahay bixinteeda iyo ku Takrifalkeeda, una xisaaban Muwaadinwalba.

Ka ganacsiga Qayraadka:
Ka ganacsiga Qayraadka dabiiciga ahi waa mid ku salaysan baaritaan Cilmiyyeysan, Danguudna ah, looguna danneynaayo Bulshada Deegaanka iyo Qarankaba.

Beeraha iyo Xoolodhaqato:
Bulshada Soomaaliyeed waa iney noqotaa Bulsho isku filin, waxaana la dardar gelinayaa Waxsoosaarka Badda iyo Berigaba.

Caalamiyeynta:
Caalamka waan la soconaa, waana ka soconaa; taas micnaheedu waxaynu nahay Qaran dhexdhexaaad ah.

Shaqaalaha:
Shaqsi walbo waa inuu helaa Shaqo, waxbarasho iyo Caafimaad.

Cilmi Baarista iyo Halabuurista:
Cilmibaaris iyo Halabuur waa tan Bulshadeena horumarin karta Qiyaasteeduna tahay mit Qaranka aan ka qarsooneyn.

Badbaadinta macmiilka:
Waxwaliba oo ganacsi ah waa in uu noqdaa mit la darsay; Qiimahiisa iyo Tayadiisaba, noqona mid bulshada wax u dhima.

Schreibe einen Kommentar

Deine E-Mail-Adresse wird nicht veröffentlicht. Erforderliche Felder sind mit * markiert.