Arrimaha Bulshada

Sinnanta:
Bulshada waa mid u simman Xukunka iyo Nolosha Waddankeena ka jirta, shaqsina aan lagu xadgudbin, Xaquuqdiisana la duufin.

Siyaasadda qoyska:
Qoyska Soomaaliyeed waa Aasaaska Qaranka soomaaliyeed, sidaa darteed wuxuu leeyahay Horumar cilmiyeysan.

Xuquuqda Bulshada kala duwan:
Xuquuqda Bulshada maahan mid lagu xadgudbi karo, waxayna ku salaysantahay Qaranka maslaxadiisa guud.

Caafimaadka:
Caafimaadku waa mid dhowris gaar ah u baahan, si aan u helno Buldsho caafimaadqabata.

Amaanka Bulshada:
Amaanku waa Ahmiyada kowaad xilna ka saaran Qaran iyo Qof ahaanba.

 Isladhaqanka:
Isla-dhaqanka bulshada si Cadaalad iyo Sinnaan ku salaysan waa qadirin muhiim ah.

Waxbarashada:
Waxbarashada Hoose ilaa iyo Xirfad waa qasab aan cidina ku xadgudbi karin.

Dhaqanka:
Dhaqanka soomaliyeed waa mid dhowris adag u baahan, wuxuuna gaar u yahay Soomaali.

Xaquuqda hoose:
Xaquuqda Soomaaliga yar iyo weyn Rag iyo Dumar maahan mid la duufsan karo habeen iyo maalinba waana dhowris loo wada simman yahay Qof ilaa Qaran.

Dimuqraadiyada:
Degmo-Karti leh (waa Erey assalkiisa ka soo jeedo Cilmiyahanadii Soomaaliyeed ka dibna la Laatiineeyey). Micnahiisuna yahay ku tashiga Kartideena iyo u talinta Deegaankeena oo lagu saleeyo maslaxada Guud.

Schreibe einen Kommentar

Deine E-Mail-Adresse wird nicht veröffentlicht. Erforderliche Felder sind mit * markiert.